Allbanaadir.com
NEWS

Koox la magac baxday Al Shabaab oo weeraro dad badan ku dishay ka fulisay dalka…

Koox la magac baxday Al Shabaab ayaa kordhisay dilalka iyo weerarada ay ka geesanayaan Waqooyiga dalka Muzambik , waxaana kooxdan xoojisay beegsiga dadka shacabka ah iyo ciidamada dowlada katirsan.

Kooxdan oo ku hubeesneyd Faasas iyo Mindiyo ayaa shalay weerar xoogan ku qaaday tuulo kutaala Waqooyiga dalka Muzambik, waxa ayna halkaasi ku dileen 7-qof oo kamid ahaa dadka deegaanka sida ay ku warameen booliiska Muzambik.

Waxaa la sheegay kooxdan in aysan wax xiriir ah la laheyn Al Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya, waxa ayna kooxdan u badan yihiin dhalinyaro kasoo jeeda dhulka waqooyiga Muzambik oo dhawaan laga helay Gaas ay dowlada dooneyso inay soo saarto.

Kooxdan ayaa isbuucii hore sidan oo kale weerar ay qaadeen ku dilay 10-qof, waxaana howlgalo ay booliiska sameeyeen lagu xir xiray boqolaal qof oo dhalinyaro u badan kuwaa oo lagu tuhmayo in kooxdan xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Putin oo diyaarado Dagaal waardiye ka hayaan oo tagaya dalka Iran

Cabdi Cade

Weerar lagu qaaday saldhiga Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaalada Baladweyne

Cabdi Cade

Hadal kasoo yeeray Mike Pompeo oo lagu tilmaamay Waali Cad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---