Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa goor dhow xiligii afurka ka dib lagu dilay xubin ka tirsanaa Golaha degaanka degmada Warshiikh ee Gobolka Sh/dhexe.
C/raxmaan Kamaal Shiikhaay ayaa waxaa lagu toogtay xaafadda Siliga ee degmada Wadajir, xili uu halkaas ku sugnaa ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen kooxo bastoolado ku hubeysan sida ay sheegeen dad goob joogayaal.
Marxuumka ayaa isla goobta ku qurbaxay, iyadoo raggii bastooladaha ku hubeysnaa ee dilay ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo gaaray goobta uu falku ka dhacay ayaa halkaas ka qaaday Meydka Cabdiraxmaan Kamaal, iyagoo la aaday Xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com