Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon Caan ah oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Dilalka qorsheesan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, waxaana maanta kaliya xaafado katirsan magaalada Muqdisho dil loogu geestay labo qof oo shacab ah.

War goordhaw aan helnay ayaa sheegaya in Xaafada Cali Shire oo katirsan Degmada Howl Wadaag lagu dilay nabadoon caan ka ahaa degmadaasi oo lagu magacaabi jiray Xuseen Geedi Jimcaale.

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa la sheegay in nabadoonka ku dileen afaafka hore ee gurigiisa, waxaana goobta dilku ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday kooxihii hubeesnaa ee dilkaasi ka dambeeyay.

Ciidamo katirsan Nabad sigida Soomaaliya ayaa gaaray xaafada uu dilku ka dhacay, mana jiro ilaa hada cid lagu tuhmayo dilkaasi ay gacanta ku dhigeen ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya.

Dilalka qorsheesan ee loo geesanayo dadka shacabka ah , Dadka u shaqeeya dowlada iyo ciidanka ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho inta lagu guda jiray bisha Ramadaan, waxaana amaanka magaalada ee sii xumaanaya walaac xoogan ka muujiyay shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho iyo Amiir Faisal bin Abdulaziz oo Arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo la wareegay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud

Cabdi Cade

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay Jadwalka Imtixaanka dugsiyada sare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---