Allbanaadir.com
NEWS

Argentina oo baajisay Kulan Isra’il la ciyaari laheyd kadib Hanjabaadyo iyo Digniino loo diray

Xulka kubada Cagta Arjentina ayaa baajisay kulan saaxiibtinimo ay kula balan sanaayeen sabtida soo socota in ay la ciyaaraan Xulka Isra’il, kadib digniino iyo hanjabaadyo wada socda oo loo diray Messi iyo Xulkiisa Arjentina.

Ciyaartoyda Xulka Arjentina ayaa ku jiray diyaar garowgii ugu dambeeyay ee isugu diyaarinayaan Koobka Aduunka, waxaana kulanka la baajiyay uu noqon lahaa kii ugu dambeeyay ee ciyaaraan Arjentina kahor inta uusan bilaaban koobka Aduunka.

Warbaahinta caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kulankan Arjentina baajiyeen , waxaana ciyaartoda Arjentina qaarkood la sheegay in ay soo dhaweeyeen kulankan la baajiyay.

Kulanka Arjentina baajisay ayaa sidoo kale sabab looga dhigay digniino iyo hanjabaadyo hawada loo soo mariyay Xidiga caanka ah Messi iyo Xulkiisa, waxaana hanjabaadyada xoogooda diray taageerayaal Falstiiniyiin ah iyo dad kale oo Muslimiin ah.

Jibril Rajoub oo ah madaxa ugu sarreeya xiriirka kubadda cagta Palestine ayaa ka codsaday qof walba oo muslim ah inuu gubo sawirada iyo maaliyadda Lionel Messi hadii uu yimaado dhulka GAZA isla markaana uu Israel kulan la ciyaaro.

“Messi waa astaanta nabadda iyo jaceylka,Waxaan weydiisanay inuu ka qeyb galo sharciyeynta ka shaqeynta dambiga. Waxaan bilownay olole kasoo horjeeda xiriirka kubada cagta Argentina, inagoo si shaqsi ah diirada u saareyna Messi, kaas oo ay taageero u yahiin in ka badan 10 Malyan oo Muslimiin iyo carab ah”

Xulka Arjentina ayaa kamid ah Xulalka ugu awooda badan xiligan ee ka qeyb galaya koobka aduunka, waxaana xulkan safka hore kaga jiraa wadamada loo saadaalinayo in ay ku guuleesan karaan koobkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khasaare naxdin leh oo ka dhashay dab qabsaday guri ku yaalla Magaalada Jigjiga

Caydiid Ali

DEG DEG: Dagaal ka qarxay Beladweyne iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Raggii dilay Jamal Khashoggi oo la ogaaday in lagu tababaray Mareykanka

Cabdi Cade