Allbanaadir.com
NEWS

Madaafiic lagu garaacay Xarunta Villa Soomaaliya iyo Khasaaro ka dhashay (Sawirro)

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo kutaala degmada Wardhiigley, madaafiicda qaarkood ayaana ku dhacay xaafado iyo xarumo kale oo ku dhaw dhaw Villa Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay ilaa shan madfac ayaa kusoo dhacay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana goobaha ay madaafiicda ku dhaceen kamid ah guryo shacab, agagaarka Tayaatarka Qaranka iyo sidoo kale Xabsiga Godka Jilacow.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay madfac kusoo dhacay guri kuyaala Waaxda koobaad ee Janaraal Daa’uud ee degmada Wradhiigley, waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in khasaaro kale jiraan.

Wali lama oga in madaafiicdan gudaha ugu dhaceen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo bartilmaameedku la sheegay in uu ahaa, waxaa socda baaritaano ku aadan weerarkan madaafiicda ay wadaan laamaha amaanka.

Al Shabaab ayaa horey marar badan madaafiic ugu garaacday Villa Soomaaliya, waxa ayna duqeyntan imaaneysaa xili magaalada ay ka jirto xiisad ka dhalatay mudo kororsiga Golaha shacabka u sameeyeen Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo Shir ka shaaciyay cidda ay u yaalaan Isbaarooyinka Hirshabelle (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo khadka telefanka kula soo xiriray dhigisa dowlada Somalia

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay shirkii RW Khayre iyo Madaxda K/Galbeed & Hirshabelle? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---