Allbanaadir.com
NEWS

Askari katirsan ciidanka Dowlada oo maanta dil ka geestay magaalada Muqdisho

Askari katirsan ciidanka Minishiibiyada Muqdisho ayaa maanta Degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inĀ  uu ku shaqeesanayay Mooto bajaaj.

Goob joogayaal ayaa ku waramay askariga dilka geestay oo kamid ahaa Minishiibiyada canshuuraha ka qaada Mooto bajaajta iyo wiilka uu dilay ay murmeen kadib xabad uga dhufay qeybaha sare ee jirka,

Wiilka Mooto bajaajta darawalka ka ahaa ayaa u geeriyooday xabada uu askariga ku dhuftay, waxaana goobtaasi si deg deg ah uga baxsaday askarigii minishiibiyada ee dilka geestay.

Maalin kahor ayey aheyd markii askari isna katirsanaa ciidanka Minishiibiyada sidan oo kale dil ugu geestay Wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto bajaaj, dilkaas ayaana iska ka dhacay meel ku dhaw xarunta Degmada Waabari.

Dilalka micno darada ah ay askarta katirsan ciidanka dowlada u geesanayaan dadka shacabka ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, mana jirto ilaa hada askarta dhibaatadaasi geesatay oo maxkamada lasoo taagay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ka badan 40 oo ku dhintay Mashaqo argagax leh oo ka dhacday Balochistan (Sawirro)

Caydiid Ali

Cudur kale oo ka dilaacay Shiinaha & cabsi laga qabo inuu dunida ku faafo

Caydiid Ali

Amaanka Villa Soomaaliya oo si weyn loo adkeeyay kadib tuhun laga qabo Mudo kororsi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---