Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino kasoo baxaya dil loo geestay Nabadoon Axmed Maxamed Mayow

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay xaafada Dhagaxtuur ee degmada Afgooye ku dilay nabadoon caan ka ahaa degmadaasi, waxaana dilka kadib baxsaday kooxdii falkaasi dilka ah fulisay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan toogteen Nabadoon Axmed Maxamed Mayow xili uu ku sugnaa agagaarka gurigiisa, waxaana nabadoonka la sheegay in dhoor xabo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ciidamo katirsan dowlada ayaa dilka kadib gaaray goobta lagu dilay nabadoon Axmed Mayow, waxaana ciidamada la sheegay in wali wadaan baaritaano ay ku raadinayaan kooxdii dilka geesatay.

Nabadoon Axmed Maxamed Mayow ayaa kamid ahaa waxgaradka caanka ah ee degmada Afgooye , ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada dilkan xalay loogu geestay degmada Afgooye Nabadoon Mayow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Zelensky oo shaaciyay tirada ciidamada Ruushka uga dileen dagaalka Ukraine

Cabdi Cade

Muxuu salka ku hayaa Shirka Sadex Geesoodka ee Asmara? (Wax badan ka Ogow)

Cabdi Cade

Dowlada oo Shaacisay xiliga uu dhacayo Imtixaanka Qaranka iyo amar la dul dhigay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---