Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Haween markii ugu horeysay ka mid noqday ilaalada Masjidka Xaramka

Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay  haween ku soo dartay ciidanka Booliska ee ilaalada ka ah Xaramka barakeysan ee Makka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalka Sacuudiga ayaa baahisay sawiro muujinaya gabdho markii ugu horeysay ka shaqeynaya Ammaanka Xaramka iyo dadka  ku cibaadeyanaya

Arrinkaan ayaa la sheegay inuu dood badan keenay, dadka qaar ayaa dhaliilay talaabadan qaar kalena way soo dhaweeyeen.

Sacuudi Carabiya ayaa soo jiidatay indhaha caalamka sanado ka hor markii ay haweenka ka qaadday xayiraad muddo dheer saarneyd oo ku saabsan gawaari kaxeynta.

Boqortooyada ayaa sidoo kale qafiifisay xayiraaddii cayaaraha ee la saaray haweenka iyo gabdhaha, iyadoo u oggolaatay haweenka inay cayaaraha ka daawan karaan garoomada cayaaraha.

Tallaabooyinkan ayaa waxay qeyb ka yihiin isbedelka arrimaha bulshada lagu sameynayo ee uu wado dhaxal sugaha boqortooyada Amiir Maxamed bin Salmaan, kaasoo ballan qaaday in dalka uu isbedel ku sameynayo oo qeyb ka ah tiigsiga 2030ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo ka carootay sawir uu baahiyey xiriirka kubada Cagta ee Mareykanka

Caydiid Ali

Wasiir Xasan Macalin oo booqday xarunta cilmi-baarista iyo Garsoorka dalka Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaaliya oo laga cafiyay lacag ka badan 2 Bilyan oo Dollar iyo Dowladaha cafiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---