Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Facebook oo sameeneysa bar lagu sheekeesto oo lamid ah Clubhouse

Shirkada xiriirka bulshada ee Facebook ayaa shaacisay in dhawaan soo saareyso adeeg cusub oo maqal ah lana mid ah barnaamijka lagu wada sheekeesto ee Clubhouse, kaa oo si weyn dunida ugu baahay.

Facebook ayaana dooneysa in adeegan ka faa’iideestaan macaamiisha ku xiran kuna sheekeestaan si ay isugu dhaafsadaan afkaartooda, waxa sidoo kale Facebook billaabi doontaa barnaamij cusub oo dadka isticmaalaya ay codad isu duubi karaan.

Madaxa shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg, ayaa shaaciyay qorshana cusub ee shirkadiisa kusoo kordhineyso barnaamijkan dadka badan ku sheekeesan karaan ee lamidka ah Barnaamijka caan baxay ee Clubhouse.

Shirkada Facebook ayaa sidoo kale macaamiisha ku xiran u oggolaan doonto in ay si toos ah uga dhagaysan karaan barnaamijyo dhageysi ah iyo wareysiyo oo laga baahin doono barta Facebook.

Barnaamijka lagu wada sheekeesto Clubhouse, ayaa si weyn usoo caan baxay intii lagu guda jiray xayiraada uu sababay caabuqa Covid-19, waxa uuna barnaamijkan noqday mid ay ku xirmaan malaayiin dad ah oo u badan dhalinyaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Joe Biden oo si kulul u dhaleeceeyay Hoggaanka maamulka Israa’iil

Cabdi Cade

Xubnaha soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta HOP257 & HOP260 oo la diwaangeliyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo canshuur cusub ku soo rogtay Ganacsatada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---