Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Congo DR oo War ka soo saaray booqashada Farmaajo ku joogo dalkaas

Madaxtooyada dalka Congo DR ayaa War ka soo saarrtay safarka Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo ku tegay xalay magaalada Kinshasa.

Madaxweynaha dalka Congo oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo ayaa saaka qaabilay Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalkaasi.

“Madaxweyne Max’ed C/llaahi Farmaajo wuxuu doonayaa inuu wadahadal la yeesho Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Midowga Afrika, kaasoo la xiriira arrimaha Gobolka ka taagan. Waxaana garoonka diyaaradaha ee N’djili ku soo dhoweeyay Wasiirka Arimaha Dibada ee DRC Marie Tumba Nzeza. Mohamed Farmaajo wuxuu u yimid inuu si fool ka fool ah ula kulmo Guddoomiyaha xilligan ee AU Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Wuxuu ahaa codsi ka yimid madaxtooyada Soomaaliya in booqashadan shaqo loo abaabulo.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Congo DR.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonayo in heshiis la dhex dhigo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, sida warar xog ogaal ah sheegayaan si uu uga caawiyo culeyska gudaha ka heysta iyo diidmada lagala hor yimid muddo kororsiga, iyadoo labada dal uu xiriirkooda xumaaday markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya.

Farmaajo oo cadaadis xoog leh ka heysto dalalka reer Galbeedka oo ka hor yimid kororsigiisa ayaa baahi weyn u qabo taageero caalami ah, wuxuuna u soo wareegay dalalka Afrika iyo deriskii ay hore u kala tageen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koobka K/Cagta adduunka oo ka bilowday Ruushka & Ciyaartii furitaanka oo 5-0 lagu badiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyey iney dad ku xasuuqeen kaniisado ku yaalla Tigray

Caydiid Ali

Dowlad Kaamirooyin ku xirtay Goobaha bulshada si loo ogaado Haweenka aan xijaabka xiran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---