Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Ciidamada oo War kasoo saartay dilalka ciidanka dowlada u geestaan Shacabka

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay iska hor imaadka u dhaxeeya ciidanka dowlada ee kusoo batay magaalada Muqdisho iyo dilalka ay ciidanka dowlada u geestaan dadka shacabka ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay wax laga xumaado ay tahay in ciidankii loo xil saaray ilaalinta amaanka shacabka in iyagii ay dilaan shacabka.

Waxa uu ku amray xeer ilaalinta iyo Hay’adaha dambi baarista in baaritaano ku sameeyaan iska hor imaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dadkii shacabka ahaa ee dileen ciidanka dowlada.

Shuute ayaa sheegay in aan laga hari doonin dhiiga shacabka ee sida micno darada ah loo daadiyay, waxa uuna sheegay in ciqaabtooda mari doonaan cidii lagu helaa in ay ka dambeesay dilalka shacabka loo geestay.

Hadalka Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa kusoo aadaya xili Muqdisho kusoo bateen dagaalka dhax mara ciidanka dowlada iyo dilal ay shacabka u geestaan ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Turkiga oo baaq ku aadan taageerada Somalia u dirtay dalalka Islaamka

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay dagaal xoogan oo ka dhan ah..

Caydiid Ali

TikToker diyaaradda Itoobiya buuq ku dhexsameeyay oo kiis argagaxiso…

Cabdi Cade