Allbanaadir.com
NEWS

Hooyo Soomaaliyeed oo lacag magdhaw ah ka heshay dowlada Australia

Hooyo Soomaaliyeed oo kunool dalka Australia ayaa dowlada ka heshay lacag magdhaw ah , kadib markii dhibaato dhinaca maskaxda ah ay kasoo gaartay Hooyadaasi dil argagax leh oo wiilkeeda loogu geestay Australia.

Ruun Axmed Cawad ayaa dowlada Australia magdhaw ahaan uga heshay lacag dhan $23,000 oo Doollar, waxaana Hooyadan wiil ay dhashay oo 25-sano jir ahaa lagu dilay gudaha Australia sanadkii 2015-kii.

Cabdullahi Maxamed Cigaal 00 25 jir ah ayaa meydkiisa la helay kadib sadex bil oo la la’aa, waxaana la sheegay in dilka wiilkan uu ka dambeeyay nin kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo C/Qaadir Faarax oo markii uu dilka geestay usoo baxsaday Soomaaliya.

Booliiska Australia ayaa sheegay in dhibaato dhinaca Maskaxda ah ay soo gaartay Hooyo Ruun markii bilooyin kadib la helay lafaha wiilkeeda oo lagu aasay meel cidlo ah, waxaana booliiska sheegeen wiilka la dilay iyo kan wax dilay ay saaxiibo ahaayeen.

Madaxa laanta Dambi baarista Perth ee uu falkan ka dhacay Helen Porter,ayaa sheegay in C/Qaadir uu u baxsaday Soomaaliya,Dowladda Australia iyo Soomaaliyana uusan ka dhaxeyn heshiis isu celinta dambiilayaasha ah.

Soomaalida kunool qaar kamid ah Wadamada Qurbaha ayaa mararka qaarkood dhaxdooda waxa ay isku geestaan dilal, waxaana inta badan dilalkaasi ka dhashay waxyaabaha maanka dooriya ay isticmaalana Dhalinyarada Soomaaliyeed ee is disha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Habraaca Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga sare (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo shaaciyey xiliga uu ciidankiisa kala baxayo Ciraaq

Caydiid Ali
Taboola Ads ---