Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Sidee Al-Shabaab ula wareegtay degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug? (Sawirro)

Kooxda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay caddeyn muujineysa qaabka ay ula wareegtay deganka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo ay dhowaan shaaciyeen inay qabsadeen dagaal la’aan.

Waxaa degaankan muddo dheer ku dagaalamayey ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo ka hortaagnaa Alshabaab waxaana la sheegay inay Jimcihii isaga baxeen ciidamadii dowladda, taasoo keentay inay si fudud ula wareegaan Al-Shabaab.

Xarumihii Maamulka Galmudug iyo xeryihii ciidamada Xoogga dalka ee degaanka ayaa waxaa buux dhaafiyey Al-shabaab sida ka muuqata sawirada, iyadoo uusan jirin wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug iyo talisyada ciidamada dowladda kuna saabsan sababta ay uga baxeen degaankaasi oo muddo dheer laga difaacayey Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo loo fasaxay in ay ka dhoofaan Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqeyn ka dhacday kaniisad ku taala Gaza oo dad badan gabaad u aheyd (Sawirro)

Caydiid Ali

Magaca iyo Sawirka ninkii ka Dambeeyay Weerar shalay ka dhacay London oo la shaaciyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---