Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo safar ugu ambabaxay Magaalada Kinshasa ee dalka..

Madaxweynaha Somalia ee xiligiisu dhamaaday Farmaajo ayaa ku sii jeeda magaalada Kinshasa ee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo sida ay sheegayaan Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada.

Safarkiisa ayaa la sheegayaa inuu la xiriiro wada hadal la filayo in laga dhex bilaabo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkoodu go’naa mudooyinkan.

Madaxweynaha Congo DR Felix Tshisekedi oo ah gudoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkan ayaa wada dedaalo lagu dhameynayo khilaafka labada dowladood, isagoo siyaabo gaar gaar ah u qaabili doona Farmaajo iyo Dhigiisa Uhuru Kenyatta oo isna la filayo inuu khamiista tago Congo DR.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday inuu gelinka dambe ee maanta ka duulo Muqdisho ayaa saacado dib u dhacay ka dib diyaaradii qaadi laheyd oo laga soo diray Congo DR oo soo daahday, caawa ayuuna ka dhoofay garoonka aadan cadde.

Waa safarkii u horreeyay oo uu Muqdisho uga ambabaxo tan iyo markii muddo xileedkiisa uu dhamaaday, halka todobaadkii horena golaha Shacabka uu muddo labo sano u kordhiyay, taasoo ka dhalatay cambaareyn iyo diidmo lagala horyimid gudaha iyo dibaddaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Al Bashiir oo si adag uga hor yimid Baaqyo loo jeediyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku tagaya mid kamid ah Maamul Goboleedyada dalka

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray digniin ku socota guryaha & Garaashyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---