Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga iyo Iran oo yeeshay wadahadalkii u horeeyey muddo afar sano ah

Masuuliyiin ka kala socda dalalka boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ayaa wada-hadallo toos ah yeeshay iyagoo isku dayaya in ay hagaajiyaan xiriirkooda, afar sano kadib markii uu go’ay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, sida ay werisay Jariidadda Financial Times.

Wareegga koowaad ee wada-hadallada Sacuudiga iyo Iiran ayaa 9-kii bishan ka dhacay magaalada Baghdad, oo waxyaabaha looga hadlay ay ka mid ahayd weerarrada ay kooxda Xuuthiyiinta ee garabka ka hesha Iran ku qaaddo dhulka boqortooyada Sacuudiga, sida ay Financial Times ka soo xigatay mid ka mid ah saraakiisha.

Financial Times ayaa sidoo kale ku warrantay in sarkaal sare oo Sacuudi ah uu beeniyay in wax wadahadal ah lala galay Iran. Telefishanka Al-Mayadeen ee dalka Lubnaan oo taabacsan Iran iyo wakaaladda wararka ee Unews ayaa labaduba soo xigtay ilo Iiraaniyiin ah oo diiday wada-hadalka Sacuudiga.

Warbixintan ayaa timid iyada oo Washington iyo Tehran ay isku dayayaan in ay soo nooleeyaan heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii kaasi oo Riyadh diidan tahay, iyo xilli ay dowladda Mareykanku waddo cadaadis ah in la joojiyo dagaalka Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Masuul dowladeed oo lagu toogtay Muqdisho iyo gaarigiisa oo la qaatay

Cabdi Cade

Feysal Cali Warabe: “Muuse Biixi wuxuu doonnayaa inuu burburiyo Somaliland”

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka dalbaday Turkiga in Gantaalada uu ka iibsaday Ruushka ku wareejiyo Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---