Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowlada oo dilay Sargaal katirsan Al Shabaab kuwa kalana qabtay

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan Qeybta 27-aad ayaa howlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo nin ilaalo u ahaa.

Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad XDS Gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shitaqeey, ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in ciidamada howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab.

Shitiqeey ayaa sheegay in sargaalka ciidamada dileen uu ahaa sargaalkii Al Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Shabeelaha Dhaxe sidoo kale la dileen nin ilaalo u ahaa, waxa uuna xusay in ay qabteen labo dagaalyahan kale oo katirasn Al Shabaab.

Howlgalka ciidanka milatariga Soomaaliya ka fuliyeen inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa imaanaya xili shalay qarax duleedka Balcad ka dhacay lagu dilay sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mustafe Cagjar oo mar kale loo dhaariyey Madaxweynaha degaanka Soomaalida (Sawirro)

Caydiid Ali

Guutada Qassam oo Taangiyo & gaadiid kale ka gubtay milateriga Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu dambeeyay kulan maanta yeelan lahaayeen Baarlamaanka oo baaqday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---