Isbitaal ku yaala Magaalada Paris ee caasimada Dalka Faransiiska, waxaa ku geeriyooday Professor Maxamed Cabdi Maxamed ( Gaandi) oo ahaa musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsan golaha shacabka.
Sida aan wararka ku helnay Prof Gaandi oo ahaa siyaasi caan ah hadana xubin ka ahaa golaha midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku xanuunsanaa dalka Farnsiiska uu degnaa halkaas uu ugu dambeyn ku geeriyooday.
Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam , Musharaxiin iyo Siyaasiyiin kale oo caan ah ayaa siyaabo kala duwan uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaan Professor Maxamed Cabdi Maxamed ( Gaandi)
Musharaxa geeriyooday ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda gobolada Jubooyinka , waxa uuna horey usoo noqday Wasiirkii hore ee Wasaarada gaashaandhiga dowladii KMG ee Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com