Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Soomaaliyeed oo Cunsuriyad darteed loogu diiday Shaqo ay ka heshay Imaraaadka

Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saamiya ayaa lagu cunsuriyeeyay dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii shaqo ay ka heshay iskuul kuyaala dalkaasi loogu diiday in ay Soomaali tahay darteed.

Jariidada Monitor ee kasoo baxda dalka Mareykanka, ayaa qortay gabar asalkeeda Soomaali yahay balse heesata dhalashada dalka Britain loo diiday shaqo ay ka heshay gudaha Imaaraadka Carabta sababo la xariira in Soomaaliya kasoo jeedo.

Saamiya ayaa la sheegay markii ay shaqada ka heshay iskuulka kuyaala Imaaraadka xujo looga dhigay in ay soo hesho warqada ogolaanshaha shaqada, hasa ahaatee waaxda shaqada Imaaradaka  ayaa gabadhaasi u diiday in waqrada cadeynta shaqada siiyaan.

“Waxaan ahay Soomaali balse waxaan kusoo koray kuna soo barbaaray dalka Britain ,Imaaratka waxa ay shaqada iigu diideen inaan ahay qof asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda, waxaan run ahaantii dareemayaa niyad jab ma aqaan wax aan sameeyo, waxaa la iigu diiday shaqada inaan ahay qof Soomaali ah lama tixgalin Basaboorka Dhalasho aan ka haysto UK”. ayey tiri Saamiya.

Dowlada Britain ayaana ku eedeesay Imaaraadka Carabta in gabadhan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse heesata dhalashada UK kula kaceen cunsuriyad uguna diideen shaqada ay heshay asalka dalka ay kasoo jeedo.

Imaaraadka Carabta ayaan jawaab rasmi ah ka bixin eedeyntan la xiriirta falka cunsuriyarda ah ee kula kaceen gabadha Soomaaliyeed, waxa ayna arintan imaaneysaa xili uu meesha ka baxay xiriirkii ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Madaale oo shaaciyey go’aan ka nixiyey Shaqaalaha G/Banaadir

Caydiid Ali

(Sawirro) Mahad Cali Max’ed oo isku soo dhiibay ciidamada Nabad sugida K/Galbeed

Caydiid Ali

Nin Walaalkiis ku Gowracay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---