Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Si cad u sheegay in aysan xiiso u qabin la kulanka Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu codsaday in uu la kulmo golaha Midowga Musharaxiinta si uu ugala hadlo xaalada siyaasadeed e dalka gaar ahaan mudo kordhinta loo sameeyay dowlada.

Musharaxiinta Madaxweyne qaarkood ayaana si cad uga hor yimid dalabka Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan in uu la kulmo, waxa ayna musharaxiinta sheegeen in aysan micno ku fadhin in xiligan lala kulmo Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah golaha Midowga Mudharaxiinta ayaa sheegay in aysan xiiso u qabin la kulanka Farmaajo uu sheegay in uu isku bedelay Hogaamiye Kooxeed.

”Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday. Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa.” ayuu yiri Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalka kasoo yeeray Musharaxan ayaaa imaanaya xili Madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ka shaqeenayeen in ay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas oo goor dhow soo saartay War naxdin & argagax ku noqday Israel

Caydiid Ali

Ganacsatada Muqdisho oo diiday in xoog looga qaado lacago aysan raali ka aheyn (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shanta Kursi ee ugu horeeya Doorashada Golaha Shacabka ee Galmudug oo la shaaciyay (Qabiilada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---