Maamul goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo gobolka Banaadir ayaa 15-kii bishan isugu yimid shir ay uga arinsanayeen hanaankii loo qaadi lahaa imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga Dhexe ee sanad dugsiyeedka 2020-2021-ka.
Wasaaradaha Waxbarashada ee maamul goboleedyadan iyo gobolka Banaadir ayaana wadatashi dheer kadib isku raacay in imtixaanka fasalka 8-aad la qaado 5-ta illaa 8-da bisha June ee sanadkan 2021.
Qoraal wadajir ah ay soo saareen afarta maamul goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa bahda waxbarashada iyo maamulayaasha iskuulada loogu baaqay in ay u diyaar garoobaan imtixaanka fasalka 8-aad .
Halkan ka Akhriso qoraalka wadajirka ah ee lasoo saaray
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com