Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaano iyo Saraakiil galabta gaaray Shiirkole oo fariin culus u diray Farmaajo

Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq Cumar Xasan ayaa taageero ka helay mas’uuliyiin, saraakiil iyo ciidamo kasoo jeeda Beesha Muddulood.

Xildhibaano wata ciidamo iyo mas’uuliyiin ayaa gaaray xaafadda Shiirkole ee uu saldhigga ka dhigtay Jen. Saadaq, waxayna u muujiyeen garab istaag iyo inay ku taageersan yihiin is difaaca uu kala horjeedo Farmaajo iyo ciidamada taabacsan.

Jen. Saadaq Joon ayaa xalay taageero ka helay xildhibaannada Beeshiisa H/Gidir iyagoo xaafadda Shiirkole shir jaraa’id ku qabtay, halkaasina ku hoyday, waxaana saaka wadooyinka xaafadda lagu gooyey carro si looga hortago weerarro uga yimaada ciidamada taabacsan Maxamed Farmaajo.

Waxaa xalay burburay heshiis Saadaq Joon dib loogu celiyey hoygiisii agagaarka garoonka Diyaaradaha Muqdisho, markii ciidamado badan la dul dhigay, isagoo si farsameyn uga baxay, diba ugu laabtay Shiirkole.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada booqashada ku tagay Shiirkole oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay garab taagan yihiin General Saadaq Joon.

Xildhibaan C/llaahi Axmed Nuur oo kamid ahaa Xildhibaanadii booqday Shiirkole ayaa sheegay inuu Shacabka degaankaas uga mahad-celinayo inay iska difaaceen weerarkii lagu soo qaaday.

Waxa uu sheegay in Saadaq Joon uusan gelin wax dambi ah, isla markaana uu kaliya dowladda u sheegay inay doorasho qabato, wuxuuna tilmaamay in wixii hadda ka dambeeyo Madaxweyne Farmaajo ay u aqoonsan yihiin hoggamiye kooxeed.

“Farmaajo isagaa ugu tabar yar dadka isagaana dagaal hurinaya,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi oo shaaciyey in shacabka Muqdisho ay yaqaaniin xabada iyo dagaalka, balse Jaceyl ay u qabaan dowladnimada awgeed aysan ugu deg degeynin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muran badeedka Kenya wado ugu dambeyn waa mid aan hureyn dagaal & qalalaase

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis ay ku baxayso 98 Milyan oo Euro (Sawirro)

Cabdi Cade

Xulka Soomaaliya oo goordhaw Guul taariikhi ah ka gaaray Xulka Qaranka Zimbabwe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---