Allbanaadir.com
NEWS

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir gudoomiyay kulan lagusoo bandhigayey Qorshaha Horumarinta Caasimada (Sawirro)

Ku Simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyada, Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlayey Qorshaha Horumarinta Caasimada Muqdisho oo maanta lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay agaasimayaasha Waaxyaha, Gudoomiyaasha Degmooyinka iyo qaar kamid ah Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir.

Intuu uu socday kulanka ayaa kusimaha gudoomiyuhu waxa uu sharaxaad dheer ka bixiyay ahmiyadda qorshaha iyo hirgelintiisa.

Sidoo kale Ku Simaha Guddoomiyaha, ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyada ee Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in hadii la fuliyo qorshahaan uu ka qeyb qaadanayo horumarinta Caasimada, isagoo ugu baaqay Agaasimayaasha iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka ee kulanka Goob joogga ahaa in ay kaalin weyn ka qaataan fulinta qorshahaan muhiim u ah bulshada Gobalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin hubaysan oo weeraray Qunsuliyada Israa’iil ee Munich (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad aan Muslim aheyn oo gacan ka geesanaya Dhismaha Masaajid (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Kheyre oo Goob Fagaare ah ka cadeeyay Ujeedka uu Cadaado u tagay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---