Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo isbadal ku sameeyay Taliyaasha Ciidamada Jubbaland (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa isbadal lagula sameeyay taliyaasha ciidamada maamulkaasi gaar ahaan kuwa booliiska iyo Nabad sugida.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaana taliyaha cusub ee Booliiska Jubbaland u magacaabay Janaraal Maxamed Cabdi Sheekkh halka uu ku xigeen uga dhigay Jen Maxamed Guuleed Xasan, taliyaha Nabad sugida ayuu sidoo kale u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye.

Xil ka qaadista iyo magacaabista taliyaashan cusub ee booliiska iyo Nabad sugida Jubbaland aya akusoo aadeysa xili uu dhawaan Madaxweynaha Jubbaland dib ugu laabtay magaalada Kismaayo uu maalmo badan kasoo maqnaa.

Halkan ka Akhriso Wareegtada magacaabista

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dibad baxyadii Kenya

Cabdi Cade

La-taliyaha Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka soo horjeestay kala dirida guddiga Maaliyada

Caydiid Ali

Wasiir Sabriye & wafdi uu horkacayo oo dibeda u dhoofay & Xog ku aadan ujeedka safarkooda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---