Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Beelaha Hawiye oo bilaabay qaban-qaabada shirweyne ka dhan ah muddo kororsiga

Qabanqaabada shirweyne todobaadka soo socda furmi doona ayaa ka socota Muqdisho, kaasoo ah shir Beelaha Hawiye isugu imaanayaan oo ay ka qeyb galayaan waxgaradka, siyaasiyiinta, madaxdii hore iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada qaar.

ilo wareedyo ayaa Allbanaadir Online u sheegay in Shirkan laga soo saari doono go’aano ka dhan ah muddo kororsiga labada sano ee Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa iyana shirkaas ka sheegi doona waxay kala soo laabtaan Madaxweyne Farmaajo marka ay la kulmaan iyo mowqifka ay ka qaateen muddo kordhinta.

Shirkii xalay dhexmaray Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa la isku afgartay in dalka doorasho aado oo aan la taageerin muddo kordhinta, iyadoo labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ay dalbadeen in Farmaajo marka hore uga digaan qatarta muddo kordhinta iyo qalalaasaha ka dhalan kara.

Qoor-qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa ka caga jiidaya iney si toos ah u cadeeyaan mowqifkooda la xiriira muddo kororsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sweden oo ku qasban fulinta shuruud adag oo Turkigu xiray iney ku biirto NATO

Caydiid Ali

Munaasabada Xuska 1-da Luulyo oo caawa ka socota xarunta Madaxtooyada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Sacuudiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---