Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday dalka Maraykanka (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan 8 qof ayaa geeriyootay, ka dib toogasho xalay fiidkii ka dhacday Magaalada Indianapolis ee dalka Mareykanka.

Toogashada ayaa gaar ahaan ka dhacday goob lagu magacaabo FedEx Ground ka dib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dadka ku sugnaa xarunta, ka dibna isagu is dilay.

Booliiska oo soo gaaray goobta ayaa sheegay in aan weli la aqoonsan ruuxa gaystay toogashada, balse ay ku guda jiraan wareysiyo iyo xog ururin ku saabsan weerarkan

Warar horudhac oo soo baxaya ayaa sheegaya in ruuxa gaystay toogashada ka shaqeynayay xarunta ay toogashada ka dhacday oo lagu magacaabo  FedEx Ground, taasoo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Indianapolis.

A

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Masuul katirsan Shirkada Amal oo galabta lagu dhawaacay Muqdisho

Cabdi Cade

Ibraahim Dheere oo Codsaday in Soomaaliya laga cafiyo Deynta lagu leeyahay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka soo kordhay shirka maalintii 2aad u socda Madaxda dowlad goboleedyada?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---