Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladii ugu horeysay Yurub oo gebi ahaan Mamnuucday talaalka AstraZeneca

Denmark ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee gebi ahaanba joojiya isticmaalka tallaalka fayraska corona ee AstraZeneca.

Guddiga caafimaadka Qaranka dalkaas ayaa sheegay inuu jiro xiriir ka dhaxeeya tallaalka AstraZeneca iyo dhiig xinjiroowga.

Waxay Denmark sheegtay in fayraska ay xakameeyeen sidoo kalana ay dalka yaallaan tallaallo kale, sidaa darteed waxay sheegeen inay gabi ahaanba joojiyeen isticmaalka tallaalka AstraZeneca.

Bil ka hora ayay hakad geliyeen isticmaalka tallaalka ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in tallaalka uu sababo dhiig xinjirow. Hay’adda dawooyinka ee Yurub iyo hay’adda caafimaadka Adduunka ayaa labaduba sheegay in faa’iidada tallaalka ay ka badan tahay halistiisa.

Qiyaastii boqol iyo konton kun oo qof oo reer Denmark ah oo horey u qaatay qeybtii ugu horreysay ee tallaalka AstraZeneca ayaa haatan la siin doonaa tallaal ka duwan kii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Farmaajo oo ka qeyb galay Janaasada Askari Howlgal lagu dilay

Cabdi Cade

Aktar Caan ahaa oo geeriyooday iyo Waxa sababay geeridiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in howlgal lagu dilay in ka badan 130 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---