Saraakiisha laamaha amaanka dowlada Somalia ayaa kulan xasaasi ah ku leh Magaalada Muqdisho, iyagoo ka arinsanaya weerarkii ciidamada dowladu xalay saqdii dhexe ku soo xireen C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta sida xoogan u mucaaradsan dowlada Somalia.
Ugu yaraan shan askari oo ka tirsanaa ilaalada C/raxmaan C/shakuur ayaa ku dhintay dagaal xalay saqdii dhexe ka dhacay hoyga siyaasigan oo ku yaalla agagaarka xarunta UNDP ka dib markii ay la dagaalameen ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo doonayey iney soo xiraan siyaasigan.
C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud ka dib markii xabadihii la isweysaarsanayey ay garabka bidix kaga dhaceen, waxaana loo dhaadhiciyey xabsiga, illaa hadda dowladu wax war ah kama soo saarin weerarkan.
Weerarkan xalay lagu qaaday hoyga C/raxmaan C/shakuur ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo shalay Xeer ilaaliyaha Qaranka uu laba Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Shacabka ku eedeeyay inay yihiin qaran dumis, isla markaana dowladda Shisheeye ay ka soo qaateen lacago.
Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo horay u soo noqday Wasiirkii qorsheynta, sidoo kalena ka mid ahaa Musharaxiintii u tartamay Xilka madaxtinimada Soomaaliya, ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mucaarad wayn oo dowlada ku kacsa, isagoo kulamo ku qabanayey hotelada Muqdisho kuwaasoo dowlada lagu dhaliilayo.
Kulanka laamaha amaanka dowlada uga socda Muqdisho ayaa la filayaa in saacadaha soo socda laga soo saaro war ku saabsan dhacdadii xalay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com