Allbanaadir.com
NEWS

Xoogaga Al-shabaab oo caawa qabsaday degmada Ceelwaaq & Wararkii ugu dambeeyey

Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay caawa si nabadgelyo ah kula wareegay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ka dib markii ciidamada dowladda ay isaga baxeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in mar kaliya ay ka war heleen xoogaga Al-Shabaab oo gudaha u soo galaya Magaalada kuwaasoo watay hub fara badan iyo gaadiid dagaal, iyadoo dadka degaanku ay baqdin ku abuurtay arintaas.

Ciidamadii dowladda ayaa la soo sheegayaa iney aadeen dhanka xaduudka ay degmada Ceelwaaq la wadaagto Kenya, halkaasoo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Saraakiisha Al-shabaab oo dadka degaanka kula hadlay Masaajid ku yaalla Ceelwaaq ayaa waxay digniin ku bixiyeen in laga fogaado xarumaha ciidamada iyo la shaqeyntooda sida ay sheegeen dad diiday in magacooda la soo xigto.

Lama oga in al-shabaab ay halkaas sii joogi doonaan iyo in kale, iyadoo dhowr jeer oo hore ay kooxdan qabsatay degmadaas inkastoo ay saacado ka dib iskood uga bixi jireen.

Maamulka Ceelwaaq iyo dowlad goboleedka jubbaland ayaan ka hadlin arintan oo ku soo aadeysa xili xalay xoogaga al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen degmada baardheere ee isla gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Antonio Guterres oo si weyn uga carrooday dil ay geesteen Ciidamada Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Caqabado soo wajahay Xukuumadda cusub ee Xamsa iyo Guddoomiye kuxigeenka golaha shacabka oo…

Cabdi Cade

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay Masuuliyiinta gobolada woqooyi ku metela DF? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---