Allbanaadir.com
NEWS

Lafta Gareen oo Wasiiradiisa uga warbixiyay Shirarkii Arimaha Doorashada (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Wasiiradda  oo Todobaadkan Warbixin looga dhagaystay Wasiiradda  Amniga,Warfaafinta,Waxbarashada,iyo Dastuurka.
 
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Isaag Cali Subag oo ka warbixiyey Xaalada Amniga Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegey in Amniga uu yahay mid wanaagsan Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay wadaan Howlgalo lagu Sugayo Amniga.
 
Wasiirada Wasaaraddaha Warfaafinta,Waxbarashada iyo Dastuurka ayaa sidoo kale ka warbixiyey howlaha shaqo ee Wasaaraddaha iyo Waxyaabaha uqabsoomay.
 
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gollaha Wasiiradda uga Mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan sida ay uga goantahay sidii si Cadaalad ah ay ugu adeegi lahayeen Shacabka ku nool Deeganada Koonfur Galbeed Waxaana uu Gollaha Wasiiradda Warbixin ka siiyey Shirkii Arimaha Doorashooyinka uga qeybgalay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay rag dil argagax lahaa ka geestay Hargeysa

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Kuxigeenkiisa oo ku biiray Shirka Musharaxiinta (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay labo sharci oo quseeya Doorashada Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---