Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo hortagaya Baarlamaanka iyo Ujeedka ka Dambeeya

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dib ugu laabtay magaalada Garawe uu ka maqnaa mido bil ka badan ayaa lagu wadaa in maalinta sabtida ah hortago Baarlamaanka Puntland.

Gudoonka Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa xildhibaanada ku wargaliyay in Madaxweyne Deni uu hor imaanayo maalinta Sabtida ah si uu warbixin uga siiyo fashilka ku yimid wadahadalii doorashada uu Muqdisho mudo dheer u joogay.

Madaxweynaha Puntland ayaana la filayaa in warbixin faah faahsan Xildhibaanada ka siiyo fashilka ku yimid shirarkii looga hadlayay arimaha doorashada iyo mudo kororsiga ay sameesteen Xildhibaanada golaha Shacabka.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeesay madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland in caqabad ku noqdeen wadahadalada arimaha dooarshada looga arinsanayay taa oo horseeday in Xildhibaanada golaha shacabka sameestaan mudo kororsi .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dugsiga Al Abraar oo Bushaaro Muhiim ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

(Akhriso) Todoba qodob oo laga bartay doorashooyinkii Gudoonka labada Aqal.

Caydiid Ali

Erdogan oo balanqaad weyn u sameeyey qoysaska ku guryo beelay dhulgariirka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---