Haweenka Sacuudiga ayaa maanta markii ugu horreysay loo qaybiyay ruqsooyinkii ay baabuurta ku wadi lahaayeen toddobaadyo un ka hor inta laga dul qaadin xayiraddii saarnayd haweenka.
ilaa 10 haween ah ayaa ruqsooyinkii baabuurta ay dalalka shisheeye ka haysteen maanta ku baddalanayay midka Sacuudiga oo hadda laga qaybinaya dhammaan dalka.
Inkastoo ururarda xuquuqda haweenka u dooda ay cabasho ka muujiyeen howlgal lagu xiray haween dhowr ah.
Haween badan ayaa codsanya inay helaan ruqsooyinka baaburta ka hor inta aanan la gaarin 24-ta bishan June oo ku beegan xilliga ay soo afjarmayso xayiraadda.
Sharciga Sacuudiga ayaa dhigaya in haweenka ay raggooda ay u ogolaadaan waxyaabaha qaar ay doonayaan inay ku dhaqaqaan, taaso dadka qaar ay sheegeen inay ka qayb qaadatay in muddo dheer ay xayiradda haweenka sii saarnato.
Horraan qoysaska Sacuudiga waxay shaqaalaysiin jireen darawallo gaar ah si ay ugu waadaan baabuurta haweenka qoysaska ka tirsan.
Balse Ururrada bulshada rayidka ayaa sanado u doodayay in haweenka loo fasaxa inay baabuurta kaxeyn karaan halka haween badan lagu xiray kaddib markii ay dhagaha ka fureesteen go’aanka dowladda.
Dhowr qof oo ka tirsan ururrada xuquuqda u dooda oo isugu jiro rag iyo haween ayaa bishii lasoo dhaafay xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu eedeeyay dambiilayaal la shaqaynayay dowlado shisheeye.
Loujain al-Hathloul, oo si wayn loogu yaaqaanay u ololaynta xuquuqda dumarka Sacuudiga ayaa la rumaysan yahay inay kamid tahay dadka la xiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com