Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa shir deg deg ah ku leh xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.
Qoor-qoor ayaa ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee diidan muddo kororsiga ay sameysteen Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa.
Hase ahaatee Kulankan ayaa yimid saacado kaddib markii qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho caawa laga dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Taliyihii booliska Gobolka Banaadir Saadaq John ayaa fiidnimadii caawa degay xarunta Shiirkole, halkaasoo uu ciidamo fara badan la tagay.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in dowladdu weerarto, ka dib markii Ciidamo ka tirsan Haramcad la geeyay xaafado ka tirsan Degmada Hodan oo Jen. Saadaq John caawa saldhigtay.
Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa caawa ah mid aad cakiran, waxaana laga cabsi qabaa dagaal ka dhex qarxa ciidamada DF iyo kuwo Saadaq John, kaasoo ugu dambeyn yeelan kara weji qabiil.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com