Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “Muddo kordhinta uu Farmaajo sameystay ma ahan mid sharci ku saleysan”

Guddoomiyaha Xisbiga Dadka ahna Musharax u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia Saciid Ciise Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay muddo kororsiga ay sameysteen heyadaha dastuuriga ee DF

Baarlamanka Somalia ayaa Arbacadii saxiixay sharci muddo labo sano ah ku kordhinaya muddo xileedka dhamaaday ee madaxda DF, waxaana sharcigaas saxiixay xalay madaxweyne Farmaajo oo iska dhega tiray baaqyada beesha caalamka iyo qeybaha bushada Soomaalida.

“Waxaan si xoogan u cambaareynayaa oo aan u ceebeynayaa mudo kororsigii ay qeyb kooxeed sharwadeyaala oo ka mida aqalka hoose ee baarlamaanka ay mudo xileedkoodii ugu kororsadeen iyo tan ka dhamaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya” ayuu yiri Saciid Ciise oo maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho.

Arrintan ayuu sheegay Gudoomiyaha xisbiga dadka iney tahay mid sharci daro ah oo aan la aqbali karin.

“Tilaabadaas sharci-darrada ah waxey horseedeysaa in sharwadeyaashaas qeybta ka ah golaha shacabka ay tirtiraan heshiiskii bulshada oo ahaa dastuurka, taas bedelkeedna ay kala shaqeynayaan Madaxweynihii hore oo uu dhamaday mudo xileedkiisu abaabulka xukun kalitalisnimo inuu madaxtooyada Soomaaliya xoog ku sii haysto” ayuu sidoo kale intaas ku daray.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay iney u midoobaan iney xukunka kelitalisnimada kaga hortagaan iska caabin nabadeed oo ay ku diidayaan iney adeecaan amarada ka soo baxaya madaxda dowladda oo uu mudo xileedkoodii dhamaaday iyo iney joojiyaan canshuurta ay bixinayaan oo aysan wehlin xuquuq iyo xoriyado ama metelad siyaasadeed oo ay bedelkeeda ku haystaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

AMISOM oo Magdhow ka bixineysa shacab dhowaan lagu laayey degaanka Golweyn

Caydiid Ali

Rag bastoolado ku hubeysan oo caawa dil & dhaawac ka geystay Muqdisho

Caydiid Ali

Sheekh Cali Dheere iyo Sargaal kale oo katirsan Al Shabaab oo lagu daray Liiska Argagaxisada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---