Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhaqdhaqaaqyo ciidan & xiisad caawa laga dareemay qeybo ka mid ah Muqdisho

Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa caawa laga dareemay qeybo ka mida Magaalada Muqdisho, kaasoo cabsi iyo shaki badan ku abuuray dadweynaha inkastoo xaaladu degan tahay.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ciidamo taabacsan dowladda oo wata gaadiid dagaal lagu arkay wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada sida Isgoysyada ku teedsan Jidka Soddonka.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in DF qorsheyneyso iney weerarto Taliyihii xilka laga qaaday ee Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq Joon uu ka guuray aagga garoonka Aadan cadde ee uu deganaa, saldhigna ka dhigtay xaafadda Shiirkole.

Arrintan ayaa abuurtay hadal heyn badan, inkastoo aanay jirin wax iska horimaad ah, marka laga reebo dhaqdhaqaaqa ciidan.

Ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo ka tirsan Haramcad ayaa dib uga laabtay agagaarka Isgoyska Baar Ubax iyo Albaraka oo ku dhow Shiirkole

Waxay arrintan kusoo beegantay iyadoo 24-kii ee lasoo dhaafay la hadal hayey inuu jiro qorshe ay dooneyso dowlada Farmaajo inay ku weerarto Saadaq Joon, kuna soo qabato si xabsiga loo dhigo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Maraakiibta iyo diyaaradaha Dagaalka Shiinaha oo galay xadka Taiwan iyo xiisad taagan

Cabdi Cade

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday Hodan Diiriye iyo Ibraahim Ismaaciil

Cabdi Cade

Banaan bax looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho iyo Ciidamada oo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---