Taliyihii hore ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xassan (Saadaq John) oo wata ciidamo fara badan iyo gaadiid dagaal ayaa maanta ka guuray wadada Jaayga ee ku taalla agagaarka garoonka Aadan cadde oo ay maalmahanba joogeen.
Wararka ayaa sheegaya in Saadaq John iyo ciidamadiisa ay fariisin cusub ka sameysteen agagaarka xaafada Shiirkole oo ku taalla wadada Warshadaha, kuna dhow xarunta Wasaarada gaashaandhiga ee xukuumada Somalia.
Xaafada Shiirkole ayaa waxaa sidoo kale ku badan degaan ahaan beesha uu ka soo jeedo Taliye Saadaq John, taasoo muujineysa inuu halkaas ka dhiganayo gabaad hadii ay soo weeraraan ciidamada DF.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa darajadii ciidan ka xayuubiyay Taliyihii hore ee Booliska Gobalka Banaadir Saadaq Cumar (Saadaq Joon)
Xeerka Madaxwaynaha waxaa sidoo kale looga xayuubiyay Saadaq Joon wixii xuquuq ah ee uu lahaa ka hor Darajo ka xayuubinta ee sharcigu tilmaamayay sida ku xusan wareegtada Madaxweynaha.
Saadaq Joon ayaa xilka laga qaaday maalmo ka hor, kaddib markii uu soo saaray amar uu ku sheegayo in uu is hortaagay oo hakiyey kulankii baarlamaanka ee lagu ansixinayey muddo kororsiga labada sano ah ee DF sameysatay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.comÂ