Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xiligan waxaa heesta cadaadis xoogan oo kaga imaanaya Madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu ka biyo diiday in uu aqbalo go’aankii mudo kordhinta.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ku cadaadineyso Madaxweyne Qoor Qoor in uu taageero soona dhaweeyo go’aankii Xildhibaanada golaha shacabka dowlada ugu sameeyeen mudo kordhin labo sano ah.
Qoor Qoor oo horey u shaaciyay in uusan taageereyn mudo kordhin loo sameeyo Madaxda dowlada ayaa hada waxaa heesata labo daran mid dooro oo ah in uu taageero mudo kordhinta ama u diyaar garoobo dagaal Villa Soomaaliya ay xilka uga tuureyso.
Waxaa soo baxaya cabsi gelin Qoor Qoor uga imaaneysa Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan in uu wajahayo xil ka qaadis hadii uu ka biyo diido in uu taageero go’aanka mudo kordhinta, waxaana durba bilowday hadal heynta mooshin isaga lagu cabsi galinayo.
Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa sidoo kale ka cabsi qaba hadii uu taageero go’aanka mudo kororsiga in uu kamid noqdo Hogaamiyaasha cunaqabteynta ay kusoo rogaan Wadamada caalamka qaarkood gaar ahaan UK iyo Mareykanka.
Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa horey u taageeray go’aanka Xildhibaanada golaha shacabka waqtiga ugu kordhiyeen dowlada, halka Jubbaland iyo Puntland diideen, Galmudug ayaana wali cadeyn mowqifkeeda mudo kordhinta.
Wadamada taageera Soomaaliya ay ugu horeeyaan Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa si adag uga hor yimid mudo kordhinta Dowlada sameesatay, waxa ayna wadamadaasi ku hanjabeen cunaqabteyn iyo in ay xiriirka u jaraan Dowlada Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.comÂ