Allbanaadir.com
NEWS

Ogow Waxa uu sharciga ka qabo Darajo ka xayuubintii Farmaajo ku sameeyay Saadaq Joon

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxwayne Darajadii Ciidanka uga xayuubiyay Taliyihii hore ee Booliska Gobalka Banaadir Janaraal Saadaq Cumar (Saadaq Joon).

Darajo ka xayuubinta Farmaajo ku sameeyay Saadaq Joon ayaa dhalisay isweediimo la xariira in ay sharci tahay, waxaana inta badan talaabada uu qaaday Farmaajo lagu tilmaamay in ay tahay mid aan loo soo marin nidaam sax ah.

Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senetar Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan usoo marin nidaam sax ah darajo ka xayuubintii Saadaq Joon.

”Saraakiisha (General ilaa Xiddigle) Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxaa tallaabo anshax marin ah oo culus looga qaadi si waafaqsan Qodobka 53aad ee Xeerka Boliiska Soomaaliyeed, Xeer Lr.14 ee 4 Jannaayo 1973, taliyaha Ciidanka Boliiska waa in uu magacaabaa guddi anshax oo baara kiiska sarkaalka (waxaa ku jirto in sarkaalka la dhageysto) kana soo talo bixiya tallaabada laga qaadi karo.” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Waxa uu sheegay Abshir Bukhaari in talaabada ay soo jeediyaan guddiga baarista ku sameeya sargaalka darajada lagala noqonayo loo gudbinayo Madaxweynaha si uu xeer uga soo saaro darajo ka xayuubinta.

”Tallaabada ay soo jeediyaan ayaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu ugu soo saaro Xeer Madaxweyne. Haddii tallaabadaasi ay tahay ka-saarista Ciidanka, waa in uu soo jeediyaa Wasiirka Amniga Gudaha, hannaankaanka anshax-marinta ma keenayo in xubin weydo xuquuqdii liiltir ay xaqa u lahayd, haddii xubinta la maxkamadeeyo laguna helo dembiga, markaas ayaa laga hadli karaa in ay lumisay xuquuqdeeda liiltir iyo in kale.” ayuu yiri Senato Bukhaari.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaana xeer uu xalay soo saaray darajada Ciidan kala noqday Saadaq Joon oo ahaa Janaraal katirsan ciidanka booliiska waxaa sidoo kale la baabi’iyay xaquuqda uu ciidanka ku lahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ciidanka DF & shacab hubeysan oo degaano cusub kala Wareegay Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo maanta lagu riday nin Muran siyaasad ka dhashay u dilay nin kale

Cabdi Cade

Kulamo xasaasi ah oo caawa ka socda Muqdisho & Villa Somalia oo War soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---