Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay xeerkii muddo kororsiga ee Golaha shacabku ansixiyey

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12.04.2021, iyadoo aan la soo marsiin aqalka sare

Sharcigan ayaa heyadaha dastuuriga ah ee DF u sameynaya muddo kordhin labo sano ah, si loo qabto mudadaas doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

Labo ka mid ah dowlad goboleedyada dalka oo kala ah Hirshabelle iyo Koonfur galbeed ayaa taageeray muddo kororsiga dowlada, halka saddexda kale ay si cad uga soo horjeesteen.

Sidoo kale musharaxiinta sugaayey doorashada Madaxwewynaha iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ayaa iyana ka soo horjeestay talaabada muddo kororsiga ah.

Wakiilada beesha caalamka qaarkood oo horey uga digay muddo kororsiga ayaa si cad uga hor yimid talaabada uu ku dhaqaaqay baarlamanka dalka, iyagoo digniino ku bixiyey iney qaadi doonaan talaabooyin adag hadii aan laga laaban muddo kororsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Al-Bashiir oo loo gacan gelinayo Maxkamada caalamiga ah ee dembiyada ICC

Caydiid Ali

Cali Yare oo kashifay koox ka mid ah Nabad iyo nolol oo fashiliyey dowladii Farmaajo

Caydiid Ali

Brakac Obama oo dhaliil adag usoo jeediyay Madaxweyne Donald Trump

Cabdi Cade