Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo darajadii ciidan ka xayuubiyey Taliye Saadaq Joon

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxwayne Darajadii Ciidanka uga xayuubiyay Taliyihii hore ee Booliska Gobalka Banaadir Saadaq Cumar (Saadaq Joon)

Xeerka Madaxwaynaha waxaa sidoo kale looga xayuubiyay Saadaq Joon wixii xuquuq ah ee uu lahaa ka hor Darajo ka xayuubinta ee sharcigu tilmaamayay sida ku xusan wareegtada Madaxweynaha.

Saadaq Joon ayaa  xilka laga qaaday, kaddib markii uu soo saaray amar uu ku sheegayo in uu is hortaagay oo hakiyey kulankii baarlamaanka ee maanta.

Hadalka Saadiq ayaa ku soo beegmayey xilli shalay  baarlamaanka Soomaaliya u ballansanaa kulan ajendihiisu ahaa doorashada. baarlamaanka ayaa gelinkii dambe ee  ansixiyay muddo kordhin muran badan dhalisay oo 2 sano ah.

Taliye Saadaq Joon ayaa xilligaas faray xildhibaannada Baaralamaanka inay doorasho u aadaan deegamadoodi, oo ay qalalaase u horseedin dalka, isagoo sidoo kale  raisal wasaaraha u sheegay inuu masuuliyiddiisa iyo doorkiisa guto.

Related posts

Kooxda hubeysan ee Ahlusunna oo si kulul u beenisay warar laga faafiyey

Caydiid Ali

Dowlad Afrikaan ah oo canshuur ku soo rogtay dadka isticmaala baraha bulshada

Caydiid Ali

Banaan bax looga soo horjeeday Al Shabaab oo maanta la dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---