Midowga Yurub ayaa si kulul uga hor yimid muddo kordhinta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ku dhaqaaqay, iyagoo ku tilmamay mid an la aqbali karin.
Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo Amniga ayaa ku hanjabay in haddii laga laaban waayo talaabadaas ay ka fiirsan doonaan tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo.
“Tallaabadani waxay wiiqaysaa dadaal dheer, oo ay taageereen EU iyo beesha caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya iyada oo loo marayo is afgarad” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Midowga Yurub
Madaxda Midowga Yurub ee Amniga iyo Siyaasaddda Josep Borrell ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyay in Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Midowga Yurub,ay si isdaba joog ah oo cad u muujiyeen inaanan sinnaba loo aqbali karin in waqtiga loo kordhiyo dowladda, ama habraac kasta oo la mid ah oo la xiriira doorashooyinka, iyadoo aan la helin heshiiskii dhinacyada doorashada ee 17 Sebtember.
“Midowga Yurub wuxuu rumeysan yahay in ansixinta iyo saxiixa qaraarkan ay kala qeybin doonto Soomaaliya, sababina doonto dib u dhacyo dheeri, ayna khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Yurub.
Muddo kordhinta ayuu caddeeyay Midowga Yurub inaysan u adeegeynin danaha dadka Soomaaliyeed. Waxayna ku baaqeen in si degdega loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin, laguna saleynayo heshiiskii Sebtember 17.
“Haddii taa la waayo, Midowga Yurub wuxuu ka fiirsan doonaa inuu qaado tallaabooyin dheeri ah oo adag” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay midowga Yurub.
Inkasta oo aan la ogeyn tillaabada ay qaadayaan nuuca ay noqoneyso, waxay ku goodiyeen inay qaadi doonaan tilalaabooyin dheeraad ah hadii lagu guul darreysto in loo hoggaansamo baaqa khuseeya in miiska wada-hadalka loo laabto.
Shalay ayaa golaha shacabka ee mudda xileedkoodu dhamaaday December 27, 2020, waxuu laba sano oo dheeraad ah ugu daray xilliga uu xafiiska joogayo madaxweynaha isna ay sharciyaddu ka dhamaatay February 08, 2021.
Mudda kordhinta waxaa diiday musharrixiinta, dowlad gobaleedyada qaar, dhaqanka, bulshada rayidka ah, ha yeeshee Farmaajo oo horay kasoo dhaweeyay ayaa sheegay inaan loo joojin doonin baaqyada ka imaanaya beesha caalamka, shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Dadka taxliiliya siyaasadda ayaa ku doodaya in tillaabooyinka ay sheegeen midawga Yurub ay noqon doonaan cunaqabateyn dhaqaale iyo mid safar oo la saaro Farmaajo, Mursal, taliyaha NISA oo ah ninka daaha gadaashiisa ka maamula dalka iyo qof kasta ee gacan ku siiyay xukun dheereysiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com