Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Saraakiil ka goosatay Danab iyo Gor Gor oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Puntland (Sawirro)

Waxaa maanta xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ku leedahay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu soo dhaweeyay saraakiil iyo askar la sheegay in ay isaga tageen ciidanka DF gaar ahaan kuwa kumaandooska ee Gor Gor iyo Danab.

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo waxaa Saraakiisha ku soo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada daraawiishta, Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Masuuliyiin kale.

Saraakiishan isaga tagay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa sheegay in markii hore si iskood ah uga baxeen deegaanada Puntland tababarna loogu qaaday dalka Turkiga, waxa ayna tilmaameen markii ay soo laabteen si aan fiicneyn loola dhaqmay.

Waxa ay sheegeen saraakiishan in ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan xeryihiin ay ku jireen kadib markii loola dhaqmay si ka duwan sidii ay horey u filayeen ayna go’aansadeen in deegaanadooda kusoo laabtaan.

Masuuliyiinta maamulka Puntland ee ka hadlay munaasabada lagu soo dhaweenayay saraakiisha iyo askartan ayaa sheegay in kusoo dhaweenayaan deegaanadooda uuna maamulka howlgalin doono si dadkooda iyo deegaankooda ugu shaqeeyaan.

Magaalada Hargeysa ayaa dhawaan sidaan oo kale waxaa u gaaray oo xeryaha ciidanka DF uga baxay askar la sheegay in  ay katirsanaayeen ciidamada sida gaarka ha u tababaran ee DF kuwoo deegaan ahana kasoo jeeday Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska oo Faah Faahin ka bixiyay Qaraxii Ismiidaaminta ee lagu weeraray Hotel kuyaala Liido

Cabdi Cade

Diblomaasi Soomaali ah oo booqday Israel iyo shaki xoogan oo ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Masuuliyiin iyo Taliyaal maanta dhiiro-gelin ugu tagay ciidanka Haramcad (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---