Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahino ka soo baxaya weerarkii duleedka Balcad oo lagu laayey Xildhibaano, Masuuliyiin iyo askar

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Gaadiid ay la socdeen xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo galabta lagu weeraray agagaarka degaanka Ceelka Geelow oo u dhaxeysa degmada Balcad iyo degaanka Qalimow ee gobolka Sh/dhexe.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay iney wadada u galeen kolonyada ay la socdeen xildhibaanada Hirsabelle oo ka soo ambabaxay magaalada Jowhar kuna soo jeeday magaalada Muqdisho.

Dagaal culus ayaa halkaas dhexmaray ciidankii ilaalinayey xildhibaanada iyo kooxihii soo weeraray kaasoo geystay khasaarooyin kala duwan, waxaana la gubay gaari dagaal oo ay wateen ciidamada dowlada halka mid kalena taayarada laga banjariyey.

Labo Xildhibaan oo ka tirsan Hirshabelle iyo ciidankii ilaalinyey qaarkood ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen weerarkan.

Xildhibaanada Hirshabelle ee lagu dilay weerarkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Daahir Macalin. Waxaa sidoo kale lagu dilay weerarkan Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda degmada Raaga-Ceelle Muuse Afweyne.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa lix askari ay ku geeriyoodeen weerarka kuwaasoo uu ka mid ahaa taliyihii Ciidamada ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo Xildhibaanada ilaalo u ahaa.

Ciidamo gurmad ah oo ka kala yimid Johwar iyo Balcad ayaa gaarey goobta uu ka dhacay weerarka  kuwaasoo goobta kasoo waday intii ka badbaaday weerarkan.

Al-shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in weerar jidgal ah ay u dhigeen kolonyo galbineysay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeele, halkaasina ay ku dileen 12 qof oo isugu jirta saraakiil iyo ciidan.

Madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabeelle weli falkan dhacay faah faahin rasmi ah kama bixin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan oo Xasaanadii xildhibaanimo laga xayuubiyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Haddaan ahaan lahaa Wasiir Taariikh ayaan sameyn lahaa !!

Cabdi Cade

Booliiska dalka Koonfur Afrika oo ka biyo diiday in ay soo xiraan Jocob Zuma

Cabdi Cade
Taboola Ads ---