Allbanaadir.com
NEWS

Qoor Qoor oo Wali diidan Mudo kororsiga Dowlada iyo Cali Guudlaawe oo taageeray !!

Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa saacado kadibĀ  lagu qasbay in ay taageeraan go’aankii Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ku sameesteen mudo kororsi labo sano ah.

Sida lagu daabacay barta Wararka ay ku faafiso Madaxtooyada Horshabelle Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo dhaweeyey Go’aankii Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya.

Go’aankan uu mudo kororsiga Xildhibaanada golaha shacabka sameeyeen ku taageeray Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku yimid cadaadis la sheegay in Villa Soomaaliya ku saartay in uu taageero go’aanka mudo kororsiga.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cali Kaariye Qoor Qoor ayaan wali taageerin go’aanka ay Xildhibaanada golaha shacabka mudo kororsiga ugu sameeyeen hay’adaha dowlada.

Galmudug ayaana been abuur xalay ku tilmaantay War saxaafadeed si wadajir ah usoo saareen maamulada taageersan dowlada federaalka ay ku jirto Galmudug, walina ma cada mowqif Galmudug ee ku aadan mudo kororsiga dowlada sameesatay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaana la sheegay in ay ku cadaadineyso Madaxweyne Qoor Qoor in uu taageero go’aanka golaha shacabka , waxaana suurto gal ah in cadaadis kadib Qoor Qoor taageero mudo kororsiga.

Wareysi habeen hore la baahiyay oo laga qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayuu ku sheegay in uusan marnaba taageereyn raalina ka aheyn mudo kororsi dowlada sameeso, waxa uuna cadeeyay in uu taageerayo in doorasho dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waare oo tababar u furay Boolis ka tirsan Maamulka Hirshabelle (Sawirro)

Caydiid Ali

Kaar cad oo laga bixiyay Ciyaar kubadda cagta oo Yurub ka dhacday iyo Sababta keentay !

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi Oo Soo Xiray Wejiga 1-aad ee Barnaamijka Shaqo Qaran (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade