Allbanaadir.com
NEWS

Bob Menendez oo kahor yimid mudo kororsiga ay Golaha Shacabka sameeyeen

Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka Senator Bob Menendez, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay mudo kororsiga shalay hay’adaha dowlada u sameeyeen Xildhibaanada golaha shacabka.

Qoraal uu soo saaray Senator Bob Menendez, ayuu ku sheegay in mudu kororsi dadban la sameesto ay kahor imaaneyso dimuquraadiyada , waxa uuna cadeeyay in doorasho waqtigeeda ku dhacda ay muhiim u tahay dimuquraadiyada.

“Doorashada waqtigeeda lagu qabto waxey muhiim u tahay demoquraadiyad caafimaad leh. In la naqshadeesto mudo kordhin waxey ka hor imaaneysaa dimquraadiyadda, waxeyna Soomaalia u horseedi kartaa xasilooni darro.”ayuu ku yiri qoraalkiisa Senatorkan ka tirsan Aqalka Sare ee dowlada Maraykanka.

Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka, ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha siyaasada Soomaaliya in heshiis ka gaaraan doorashada isuguna yimaadaan wadahadal xal looga gaarayo khilaafka taagan.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale la filayaa in ay kahor timaado mudo kororsiga dadban ay shalay sameeyeen Xildhibaanada golaha shacabka kaa oo kahor imaanaya dadaaladii beesha caalamka ku dooneysay in la lawada hadalno heshiiska laga gaaro doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Dhalinyaro kula kulmay Muqdisho ( Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo War cusub ka soo saartay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Wadahadal lagu dhameeyay xiisadii u dhaxeesay Ciidamada Saadaq Joon iyo kuwa Dowlada ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---