Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo ku dhawaaqay dhalashada bisha Ramadaan iyo dalal badan oo ku raacay

Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay Berri oo ah Talaado 13-ka April 2021 ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa shaacisey inay sugnaatay aragtida bisha Ramadaan ee Caawa, iyadoo laga arkay degaanka Tamir ee u dhow magaalada Riyaad, sidaasina lagu shaaciyey inay Berri tahay Ramadaan 1442 H.

Sacuudiga waxaa ku raacay oo sidoo kale Berri ay Soon u tahay dallaka Khaliijka intooda badan, sida Qatar, Imaaraadka, Kuwait iyo Bahrain.

Dalalka kale ee ku dhawaaqay inay Berri oo Talaado tahay maalinta koowaad ee Ramadaanka ayaa waxaa ka mid ah, Indonesia Maleysia, Masar, Yeman, Lubnaan, Tunisia iyo Turkiga.

Waxaa jira dalal kale oo shaaciyey inay Arbacadda oo ku beegan 14-ka April u bilaabaneyso Bisha Ramadaan, waxaana dalalkasi ka mida:  Brunai iyo  Cumaan.

Dowlada federaalka Somalia ayaan weli war ka soo saarin in beri ay tahay Ramadaan iyo in kale, mana jiraan warar sheegaya in bisha laga arkay meelo ka mid ah Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/N-skUGrbkZA

Related posts

Nin la sheegay in uu katirsanaa Shaqaalaha Xafiiska R/Wasaare Kheyre oo Muqdisho lagu dilay

Cabdi Cade

Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay Hirshabelle & cabsi ka taagan Dhuusamareeb

admin

(Sawirro) Isaaq Max’uud Mursal oo u Mahad celiyey danjiraha Shiinaha ee Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---