Musharrixiinta kala ah Xasan Cali Khayre, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan oo maanta saxaafadda si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay qorshaha madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday uu ku kororsanayo mudda xileedka.
Afarta musharrax ayaa si adag u sheegay in farmaajo oo gebay shaqadiisii aheyd inuu dalka ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo xasiloonida u horseedda dalka uu gogla kala duwan oo loo dhigay ka shaqeynta doorashada oo ay ugu dambeysay gogoshii Afasiyooyin uu fashiliyay si uu u helo waqti dheereysi.
Waxay ugu baaqeen inuusan damaciisa raacin oo fursadda uu heysto ka faa’iideysto, kuna laabto gogosha si danaha qaranka looga wada-shaqeeyo.
Taliyaha booliiska gobalka Banaaadir, Saadaq Joon ayey ku amaaneen go’aankii uu ka qaatay xaaladda dalka, waxayna ugu baaqeen saraakiisha kale inay tusaale ka dhigtaan oo ay ka qeyb qaataan qorshaha badbaadinta qarannimada.
Beesha caalamka ayey ugu baaqeen inay qaadato dowrkeeda kahor inta aan dalku lugaha la gelin xaalad cakirnaan ah oo aan waxba laga qaban karin, shacabka Soomaaliyeed ayey sidoo kale xasuusiyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta dastuurka iyo sharciga
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/pgtP26Cwil8