Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Owdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan saldhiga ciidanka milatariga ku leeyihiin degmadaasi.
Rooble uu wehliyo taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa kormeeray saldhiga ciidanka xooga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gor Gor oo dhawaan iska difaacay weerar Al Shabaab kusoo qaadeen xeradaasi.
Ra’isul Wasaaraha ayaana warbixin ka dhageestay saraakiisha ciidanka milatariga ee ku sugan degmada Owdheegle, waxa ayna saraakiisha ciidanka uga warameen Ra’isul Wasaaraha duruufaha ay ku shaqeeyaan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca dalka.
Ugu Dambeyn Ra’isul Wasaare Rooble ayaa gobaadiyay ciidanka xooga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan degmada Owdheegle sida ay isaga difaaceen weerarkii ugu dambeeyay ee Al Shabaab kusoo qaadeen xeradaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com