Allbanaadir.com
NEWS

Qoraal muujinaya in Golaha Shacabka Mudo kordhin sameesanayaan oo Xildhibaanada loo qeybiyay (Akhriso)

Waxaa goordhaw furmay kulanka Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kadib saacado badan uu ka dib dhacay xiligii horey loo qorsheeyay in kulanka ku furmo.

Kulanka waxaa soo xaadiray inta badan Xildhibaanada golaha shacabka gaar ahaan kuwa muxaafidka ee u ololeenaya in golaha sameestaan mudo kordhin mudo labo sano ah si ay kuraasta ugu sii fadhiyaan.

Ajnadaha kulanka Xildhibaanada golaha shacabka ayaana ah ka doodista mooshin laga soo gudbiyay arimaha doorasghooyinka, waxaana Xildhibaanada dooda kadib la filayaa in ay sameestaan mudo kordhin una codeeyaan.

Gudoonka golaha shacabka ayaana Xildhibaannada u qeybiyay qoraal ka kooban 7 qodob oo mid kamid ah qodobada uu kujiro qoraal cadeeynaya in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka la siiyo muddo laba sano ah oo ka dhigay mudo kordhin..

Xildhibaanada ayaana qoraalkan loo qeybiyay marka ay akhriyaan kana doodaan kadib la filayaa in ay meel mariyaan taas oo horseedeysa in ay sameestaan mudo kordhin labo sano ah si dalka uga dhacdo doorasho ka duwan mida hada lagu muran san yahay.

Halkan ka akhriso Qoraalka Xildhibaanada loo qeybiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Rooble oo la kulmay Guddiga Qiimeynta xaaladda Degaan doorashada Garbaharey

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo maanta lagu wareejiyay Qalab casri ah (Daawo Sawirada)

admin

Dowlada Somalia oo diidan inuu dalka yimaado ergayga cusub ee Midowga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---