Gaadiid ay la socdeen xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa galabta lagu weeraray agagaarka degaanka Ceelka Geelow oo u dhaxeysa Balcad iyo Qalimow ee gobolka Sh/dhexe.
Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay iney wadada u galeen kolonyada ay la socdeen xildhibaanada Hirsabelle oo ka soo ambabaxay magaalada Jowhar kuna soo jeeday magaalada Muqdisho.
Dagaal culus ayaa halkaas dhexmaray ciidankii ilaalinayey xildhibaanada iyo kooxihii soo weeraray kaasoo geystay khasaarooyin kala duwan.
Labo Xildhibaan oo ka tirsan Hirshabelle iyo ciidankii ilaalinyey qaarkood ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen weerarkan inkastoo tiro koobka saxda ah ee khasaaraha aan weli la heynin.
Xildhibaanada Hirshabelle ee lagu dilay weerarkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ismaaciil Muumin & Macalin Daahir.
La soco wixii soo kordha insha allaah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com