Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade caan ah oo galabta lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa galabta ku dilay degmada wadajir ee gobolka Banaadir ganacsade caan ah, iyagoo ka dibna baxsaday.

Ganacsade Macalin Daahir Cali Tifow oo caan ka ah suuqa degmada wadajir ayaa galabta lagu dilay isla degmadaas xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaada Casir.

Allaha u Naxariistee Macalin Daahir ayaa gacanta ku hayey maamulka xarun uu suuqa degmada wadajir ku leeyahay mid ka mid ah Bankiyada Soomaalida.

Warar kale ayaa sheegaya inuu ka mid ahaa Ergadii labo sano ka hor soo dooratay Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Wadajir ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaarey ayaa sameeyey howlgal wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Tan iyo markii ay curatay Bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa Magaalada Muqdisho ayaa ka dhacayey dilal qorsheysan oo inta badan ay masuuliyadooda sheegteen Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal culus oo saakay mar kale ka qarxay Guriceel iyo Warrakii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

Soo laabashada Abiy Axmed ee talada Itoobiya oo rajo badan galisay Farmaajo !

Cabdi Cade

Taliyihii ciidanka Booliiska oo loo magacaabay Wasiir katirsan Xukuumadda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---